Tuesday, February 9th, 2016
cropped-calanka24.com_.png

Kenya oo qaaday talaabo aad looga carooday oo aan lagu farxin (Warbixin)

Ciidamada amaanka Kenya ayaa xabsiga dhigay Culimaa’udiin caan ka ahaa dalka Kenya kadib markii uu soo galay tuhun la xiriira inay xiriir dhow la leeyihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Culimada la xiray ayaa tirro ahaan lagu sheegay inay yihiin 12 Culimo kuwaasi oo badi laga soo uruuriyay Masaajida Nairobi iyo Gobolada xeen-daabka ku ah.

Culimadaasi ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Booliska ee loogu magac daray Argagixiso la dirirka Kenya, waxaana looga fadhiyaa in ku dhawaad muddo 14 cisho ay kusoo kala saaran tuhunka lala xiriirinaayo Culimaa’udiinkaasi.

Booliska Kenya ayaa ku doodaya in qaar kamid ah Culimadaasi ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab islamarkaana Ciidamadu ay muddo baadi-goobayen.

Dhanka kale, Culimadaasi ayaa badankooda laga soo xiray masjid ku yaala degmada Mandheere oo ah degmo u dhow xadka Soomaaliye.

Nagala Soo Xiriir

Calanka24.com@gmail.com
pizap.com14541831150781
K'naan & 12-Oktoobar
pizap.com14455293529371

DAAWO CIYAARAHA lIVE

live sport banner 2 ballon_football-313x313 live sport banner 2 ballon_football-313x313

LIVE DHAGAYSO IDAACADA MAANTA